War horta ninyahaw anigu waan jeclaadaye
Gabadhbaan jeclahay oo i jecel, mana jeclaadeene
Haddii ay i jeclaatana ma rabo inaan jeclaadaaye
Ninkii ay jeclaatana la waa inuu jeclaadaaye
Kii aan jeclayn waa iyadu inay jeclaataaye
Jacaylkagya iyo keedu waa laba jeclaadoone
Gabadh jinaha dhuudhuuban waa inaan jeclaadaaye
Tu naasuhu janjeedhaan waa inaan jeclaadaaye
Middii jeer la moodoo dhan waa inaan jeclaadaaye
Garoobtii i soo jiidha waa inaan jeclaadaaye
Islaan baradho jiidaysa waa inaan jeclaadaaye
Duqdii jaadka gadaneysay waa inaan jeclaadaaye
Habar jeenyo buurbuuran waa inaan jeclaadaaye
Wadaaddaanse jeclaadee dharraar macawsta i siisay
Gurigeeda waagaan tegee ay shaaha ii karisay
Haasawaheedii kolkuu sooba madhan waayey
Feedhka iyo tantoomada sideer uguma boobeene
Kolkay qaad i siinweydey ayuu mawdku ka adeegay.
Ninkii dumar jeclaadaase wuu yara ammaantaaye
Adna waxaaban kuu soo fekeray hadallo dhaadheere
Midabka iyo quruxdaadan ayaan yarahe faalleyne
Gabadhyahay casaantaadu waa dhuxullo meygaage
Afkaagana madowgiisu waa nuuraddoo kale e
Sidaa aawadeed baan jacayl kuugu soo kacaye
Guurna waaban kaa doonaya sidaa dharraatiiye
Timahaygu siday yihiin eed cirrada moodo
Duqdnimiyo gabow igama aha oo wayska dhalankaye
Adiguna carruurbaad tihiyo sida dhallaankiiye
Isku qayrna waa nahay anuun baa laba Gu! kaa weeyne
Sanadkii Daraawiishtii baan dhoocillo ahayne
Dhallinyaro inaan nahay dadkuba waa ogsoonyahaye
Inan iyo barbaar baan nahaye waan lagaranayne
Raggaa kale juuq ha u odhan aniga mooyaane
Kii kula hadlana waa inaan feedh ka badiyaaye
Haddii layga kaa dhaco waxbaan sahayan doonaaye
Dameer dhagaxa waa inaan gurtoo qaylo kiciyaaye
Naagtana ka iga qaada waa inaan ka dhuuntaaye
Ninuu ciil lafaha buuxiyoo dibinta ruugaaya
Oo luqanta hoogaamiyo gegi xarriiqaaya
Haddii kii xumaantaa ku falay weliba maad maagtid
Sidii laba digaag sow ilkaa layska cuni maayo.
;)






















shafi, saxib marka hore waaku salamay,
by the way i’m shock to see u curving in somali letter, nontheless glad to see you holding down your tongue. anyhow I like the piece- seriously
“Middii jeer la moodoo dhan waa inaan jeclaadaaye
Garoobtii i soo jiidha waa inaan jeclaadaaye
Islaan baradho jiidaysa waa inaan jeclaadaaye”
jacayla dhib-tiisu leeyahay hadii run la isu-sheego.
Kulmiye, Somali language is beautiful, i doubt that any other language is as expressive as Somali. besides, Dhoodan is a master when it comes to jacbur – it’s his own making and he is also a leading poet.
wow…I never read any of Dhoodaan’s work but I used to hear it when hooyo played his tapes waqtiga casariyaha… this jacbur is full of sarcasm as I understood…I should read more of his work…where should I find it?
Philosopher, Dhoodaan is not only the master of Jacbur, but also a great poet. You can read some of his works Here and many of his poems are on either sides of the page either to listen to or read. Enjoy…
JACBUR WAA GABAY CAJIIBAH
midii jeer la moodaa waa inaan jeclaadaye
garoobtii i soo jidha waa inaan jeclaadaye
islaan baradho jiidaysa aa inaan jeclaadaye
duqda jaadka gadaysa waa inaan jeclaadaye
HADABA WAXA IS WAYDIIN LEH RAGA HADAN JOOGA IYO KUWII HORE FIGRADA XIISAYNTA DUMARKA MA KA SIMAN YIHIIN WAYO SIDA UU ABWAANKU SHEEGAY ISAGOO SARBEEBAYA ERAYADA HADANA AH DUMARKA DHAQALAHA LOO GALO AMA KU DANAYSIGA AH BY
JACBURKA AAD AYAAN U JECLAHAYU MARKA WAXA UU YARA ROONYAHAY NAFTAU INAY KU YAR NASATOWAXANAN JECLAAAAAAAAAN LAHAA INAY BAWAANADA QARKOOD SII BADIYANA ANIGU WAXAN AQAANA JACBURKA AF CARABI LAGU DARAY SOOMLI.
jacbur cajiib war tolow ma anuu i sheegi dhoodaan midi jeer la moodo dhan waa inaan jeclaadaa
waxaan doonayaa fadlan inaad mail kaas ii gusoo dirtaankabagii doodaan eegaenaqsi
gabaay waa hoyiga suudaanta
walaal waxaan dhihi lahaa gabaygaasi waa gabay dadka caqliga usaaxiibka ahi kaliya ay fahmi karaan laakiin meel dheer wax ka cabiraya a
mideeda kale dumarka naasuhu janjeedhaan anigaaba ka helee tolow ma aniguu ila talinaya
waxaa nin culus dhoodaan jacburkiisa waa nin xikmad badan runtii maasha alaah
ma ah nin ka qiyaasi karo xikmdiisa gabayeed kkn waxaan ku sii koobayaa waa hibo tu laah
Waw caadi mahan anigu waxan ubogay tixda ah raga kale juuq ha u oran aniga moyane mararka qarkod wanba xanaqa hadan arko ayado dadkale afka lagalaysa
jacburku waa wax cajiiba oo naftu u baahantahay mar marka qar, dhoodaan jacburuun ma qaado lakin gabayo aad u fiican oo kale ayuu leeyahay, se anuu jacburkiisa ayaan aad u jeclay, ilaahy ha noo kaa daayo dhoodaan amiin
waa layaabaay walee